Agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya ayaagoor dhoweyd lagu dhawaaqay.
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa loo magacaabay agaasimaha Madaxtooyada Villa Somalia, waxaana agaasimaha guud ee madaxtooyada uu ka mid ahaa saaxiibadii gacanta weyn ku lahaa doorashadii Farmaajo.
Agaasime ku xigeenka ayaa la sheegay in loo magacaabayo haweeney hore u soo noqotay xildhibaan ka tirsan Baarlamaankii KMG ahaa, iyadoo aanay xil ka qaadista agaasinkii hore saameyn doonin C/qaadir Shoole.
Arrintan ayaa noqoneysa markii saddexaad ee madaxweyne Farmaajo uu isbedel ku sameeyo agaasinka madaxtooyada muddo saddex bilood ah oo uu xilka hayay, taasoo muujineysa siyaasadda aan salka fadhiya lahayn ee ku wareegsan madaxweynaha.
Wadani