Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa farriin ay ka muuqato rajo u diray dadka iyo maamulka Somaliland, isagoo sheegay in dowladiisa ay diyaar u tahay wax kasta oo lagu soo celin karo kalsoonida shacabka Somaliland.
Madaxweynaha oo farriin soo dhigay baraha bulshada ayaa yiri:Â Waxaan caddeynayaa in dawladdeydu ay diyaar u tahay in la lafa-guro oo miiska la soo dhigo wax kasta oo lagu kasban karo kalsoonida shacabka Somaliland, laguna bogsiin karo dareenkooda, si wadajir ahna loogu sixi karo qaladaadkii keenay duruufaha maanta jira..”
Balanqaadka madaxweyne Farmaajo ku muujiyey sida ay uga go’an tahay in xal loo helo khaladaadkii keenay inay fogaato Somaliland ayaa lagu soo beegay munaasabadda 26-ka June ee xoriyadda Gobollada Waqooyi.
Arrintan ayaa sidoo kale ku so beegmeysa xilli xiriirka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland uu marayo heerkii ugu hooseeyay kadib murankii ka dhashay heshiiska dekadda Berbera iyo mowqifkii ay dowladda Soomaaliya ku diiday qaabkii gaarka ahaa ee Somaliland deeqaha lagu siin jiray.