Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daah-furay Barnaamij oo bixiyey Baxnaano oo taakuleyn dhaqaale lagu siinayo qoysaskaa Danyarta ah, iyadoo la sheegay in wejigiisa koowaad ay ka faa’iideysanayaan dad dhan 1.3 Malyan qof.
Masharuucan oo kusoo beegmay xilli cudurka COVID-19 uu saameeyay nolasha iyo ganacsiga dadka Soomaaiyeed ayuu madaxweyne Farmaajo sheegay inay dowladda xoogga saareyso kor u qaadidda nolosha dadka u nugul xaaladaha degdegga ah sida abaaraha, duufaannada, cudurrada iyo guud ahaan musiibooyinka dabiiciga ah.
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshda oo Barnaamijkan wada ayuu Madaxweyne Farmaajo ka dalbaday inay si cadaalad ah ay ku fuliso Barnaamijkan, iyadoo daryeelaysa qoysaskan danyarta ah.
Barnaamijka Baxnaano ayaa laga hirgelinayaa 21 degmo oo ku yaal dalka iyo deegaannada hoostaga degmooyinkaas, iyada oo loo qoondeeyey dadkaas danyarta ah taakuleyn dhaqaale oo ah 4 Malyan oo doolar bishiiba.
Sidoo kale, Barnaamijkan waxaa qeyb ka ah taakuleyn dhaqaale oo lagu xoojinayo nolasha dadka beeralayda ah ee dalaggoodii uu galaaftay Ayaxii ku habsaday qaar ka mid ah deegaannada ay ka soo go’aan dalagyada dalka dhammaadkii sanadkii tagay 2019-kii.




