Kulan xalay ka dhacay magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta ayuu madaxweyne Farmaajo ka sheegay hadal adag oo ah inaysan Soomaaliya iib aheyn.
Isagoo ka hadlayay xaflad ay u qabteen ganacstada Soomaaliyeed ee degan Imaaraadka ayuu madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo sheegay inay ka shaqeynayaan sidii ay uga tegi lahaayeen dhaxal wanaagsan oo jiilka danbe ay u aayaan.
“Waxaan idin sheegayaa Soomaaliya iib ma aha.., waxaan rabnaa inaan wax fiican uga tagno jiilalka naga danbeeya, waxaan dooneynaa inaan dalkan dib u soo celino karaamadiisii..” ayuu yiri Farmaajo.
Ganacsatada ayuu ka dalbaday inay taageeraan dowlada, isla markaana kala shaqeeyaan sidii loo ciribtiri lahaa musuqmaasuqa, isagoo intaas ku daray in la xoojinayo ciidamada kala duwan ee qalabka sida.
Wadani.com