Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho u tegay la-kulanta taliyaha Taliska ciidamada Afrika ee Mareykanka Gen. Thomas Waldhauser.
Madaxweyne Farmajo waxaa kulanka ku wehliyay wasiirka Gaashaadhigga iyoTaliyaha ciidamada xoogga dalka, waxaana dhinaca Mareykaka ku sugnaa safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb. Schwartz.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda amniga Soomaaliya iyo iskaashiga milateri ee Soomaaliya iyo Mareykanka xilli Mareykanku doonayo inuu kordhiyo howlgallada ka dhanka ah Alshabab.
Tegista madaxweynaha ee Garoonka Muqdisho si uu ula kulmo wufuud Mareykan ah ayaan ahayn markii koowaad, waxaana madaxweynaha balanqaadyadiisii ka mid ahaa in arrintan uu joojin doono, laakiin waxaa muuqata in Mareykanka aanu ku jirin.