Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isbedel cusub ku sameeyay go’aankii uu dhowaan kasoo saaray madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Kadib go’aankii Madaxtooyada Soomaaliya ugu aqoonsatay Axmed Madoobe inuu yahay Madaxweyne KMG ah muddo 2 sano ah oo ka bilaabatay markii uu dhammaaday waqtigiisii hore ee Ogost 2019 ayaa haddana, go’aankaasi meesha laga saaray iyadoo aan la shaacin.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Axmed Madoobe u aqoonsatay madaxweyne buuxa, iyadoo xalay shirkii Dhuusamareeb 2 loogu yeeray Madaxweynaha Jubbaland, iyadoo aan lasoo hadal qaadin go’aankii hore ee inuu yahay Madaxweyne KMG ah. (Akhriso Warkan)
Madaxweyne Farmaajo ayaa dagaal adag la galay Axmed Madoobe si uu meesha uga saaro, kaasoo dhaqaale badan uga baxay dowladda Federaalka, ciidamo fara badanna lagu geeyay Gobolka Gedo, laakiin waxaa muuqata in arrintaasi ay kusoo dhammaatay natiijo la’aan.

Axmed Madoobe ayaa shirka ka sheegay in arrimihii la isku hayey si hoose loo xaliyey, waxaana ka muuqatay inuu la soo baxay siyaasad degan, taasoo caddeyn u ah inuu dagaalkii siyaasadeed ee mudadda qaatay uga guuleystay Madaxweyne Farmaajo.