Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Famaajo ayaa qaaday tallaabo uu maamulka Gobolka Banaadir uga qeyb geliyay shirarka heerka sare ah oo ay hore uga hor istaagtay dowladii hore ee Xasan Sheekh.
Shirka Gurmadka abaaraha ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho oo uu shir guddoominayo Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa si rasmi ah uga qeyb galaya Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo barbar fadhiya madaxda maamul goboleedyada.
Arrintan ayaa ka duwan hab-dhaqankii dowladii Xasan Sheekh iyo Madashii Qaran oo albaabada ka xiray maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo la sheegay in maamulada dalka aysan ogoleyn.
Akhri: Ajendaha shirka Gurmadka Abaaraha
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn ugu dhega nuglaa madaxda dowlad goboleedyada oo qaarkood ay si weyn uga horjeedeen maqaamka iyo metelaadda Gobolka Banaadir arrimo awood qeybsi iyo kuwa beeleed awgood.
Maqaamka Gobolka Banaadir iyo metelaadda ay ku yeelaneyso dowladda federaalka ayaa ka mida arrimaha aan lagu heshiin ee laga sugayo in dowladda cusub ay xal u hesho.
Wadani.com