Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isagoo ku sugan dalka Jabuuti war kasoo saaray socdaalka wafdi ka socda dalka Qatar ku tageen maanta Muqdisho iyo mashaariicda ay ka fulinayaan Soomaaliya.
Qoraalka ayuu Madaxweyne Farmaajo ku bogaadiyay booqashada uu maantaMuqdisho ku tegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Qadar Mudane Maxamed Bin Cabdulraxmaan Al Thani iyo wafdiga uu hoggaaminayay, wuxuuna isagoo uga mahad celiyey kaalinta ay dowladda Qatar ka qaadaneyso dib u dhiska Soomaaliya.
“Waxaan uga mahadcelinayaa Dowladda Qatar kaalinta ay ka geysanayso dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha dalka oo ay kamid tahay Dekedda Hobyo taas oo ahmiyad dhaqaale oo istiraatiiji ah u leh Soomaaliya iyo guud ahaan ganacsiga gobolka. ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo sidoo kale ugu baaqay dalalka kale ee aan saaxiibka nahay in ay iyaguna Soomaaliya gacan ku siiyaan dib u dhiska dalka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha si uu dalku u gaaro isku filnaasho iyo horumar dhinac walba ah.
Madaxweynaha ayeysan u suuragelin inuu la kulmo wafdiga, isagoo safar ugu maqnaa dalka Jabuutim, wuxuuna warka kasoo baxay muujinayaa heerka xiriirka labada dal ee Somalia iyo Kenya iyo ahmiyadda uu siinayo Madaxweyne Farmaajo.