Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta kulan isugu yeeray Guddiga dib u eegista Dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka, guddoonka iyo xukuumadda Soomaaliya.
Guddigan oo uu guddoomiya u yahay Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) , waxaa wehliyay Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka sare, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil iyo xubno kale.
Waxaa shirka looga dooday howsha adag ee dib u habeynta Dastuurka iyo sidii loo heli lahaa Dastuur dhameystiran oo diyaar u ah in cod loo qaado. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dalbaday dhinacyada howsha dastuurka ku howlan inay ka guul gaaraan arrimaha dastuurka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa dhinacyada ay quseyso arrimaha Dastuurka ka dalbaday in waqtiga ugu macquul ilaa 2018 ay ku soo dhameystiraan Dastuurka qabyada ah oo ah howsha ugu muhiimsan dolwadda xilka heysa.
SAWIRRO