Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqaya inuu dalku xaalad dagaal galay.
Madaxweynaha ayaa isugu yeeray labada Aqal ee Baarlamaanka oo maalinta sabtida ah kulan ku yeelan doono magaalada Muqdisho, iyadoo uu ka hor jeedin doono khudbadda xaaladda degdega ah si ay ugu ansixiyaan.
Arrintan ayaa ka danbeysay qaraxii weynaa ee Muqdisho ka dhacay 14-kii Oktoobar oo dad ka badan 300 qof lagu dilay, waxaana madaxweyne Farmaajo laga soo xigtay inuu Baarlamaanka u sheegi doono dagaalka looga horjeedo Alshabaab inuu isagu hoggaamin doono.
Warkan waxaa sheegay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo maanta dadweyne kula hadlay xarunta gurmadka ee Hargaha iyo Saamaha magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hore ugu dhawaaqay xaalad dagaal, isagoo markii ugu horeysay lebistay dareyska ciidamada bishii April, markaasoo kadib uu sheegay inuu dadka kicinayay.
Wadani