Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu telefoon kula xiriiray madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni, isagoo kala hadlay arrimod howr ah,
Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland kala hadlay adkeynta xiriirka iyo wadashaqeynta Xukuumadda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Puntland, sida lagu sheegay war kasoo baxay Villa Somalia, wuxuuna u caddeeyay in dowladda Somalia ay si siman dalka u gaarsiineyso dhammaan mashaariicda horumarineed oo lagu jaangoynayo qorsheyaasha heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed ee horumarinta iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u sheegay Madaxweynaha Puntland inuu aad uga xun tahay xubnaha ka tirsan Guddiga Dhismaha Waddada magaalada Boosaaso ee la xiray khamiistii, isagoona u sheegay in odayaashaas si shuruud la’aan ah xorriyaddooda dib loogu soo celiyo.