Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska, ehelada shacabka iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee geeriyooday qarixii ka dhacay magaalada Gaalkacayo.
Wuxuu tacsi gaara ugu tacsiyadeeyey Ciidanka Xoogga Dalka geerida Taliyihii Qeybta 21-aad ee CXDS Janaraal Cabdicasiis Cabdulaahi Cabdi (Qooje), Taliyihii Ciidanka Danab ee guutada 10-aad ee Ururka 16-aad Gaashaanle Mukhtaar Cabdi Aadan, Duqii Hore ee Magaalada Gaalkacayo -Puntland- Marxuum Maxamuud Yaasiin Tumey iyo saraakiisha kale.
“Qaraxan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Gaalkacayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna…” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay madaxtooyada.
Madaxweyne Farmaajo ayaa caadiyan tacsi u dirin dadka ku dhinta qaraxyada Alshabaab, balse Qaraxa is-miidaaminta Gaalkacyo ayaa ahaa mid lagu dilay saraakiil kale oo madaxweynaha ka gaabsan waayey inuu ka hadlo.
