Madaxweynaha Soomaaliya ayaa galabta ka qeyb galay janaasada Dable ka tirsana ciidamada xoogga dalka oo ka dhacday magaalada Muqdisho.
Dable Cabdullaahi Macalin braahim ayaa ahaa askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kaasoo ku geeriyooday howlgalladii maalmahan ka socday deegaanno ka tirsan Gobolka Sh/Hoose ee uu hoggaamineyay Jeneraal C/llaahi Cali Caanood.
Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey askariga naxariis, wuxuuna Qoyskiisa ku booqday gurigooda magaalada Muqdisho, isagoo u tacsiyadeeyay.