Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeeray Warshadda Qalabka Dhismaha oo ay dib u hawlgaliyeen Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.
Madaxweynaha oo uu wehliyo taliyaha ciidamada Asluubta ayaa soo indha-indheeyay qeybaha ay ka kooban tahay warshadda, waxaana taliyaha Ciidamada Asluubta Gen. Bashiir Maxamed Jaamac uu dib loogu howl geliyey oo ka kooban saddex qeybood oo kala ah; qeybta dhista laaamiyada, qeybta dhismaha guryaha iyo qeybta sameynta tuubooyinka lagu dhiso bullaacadaha, markii uu amray madaxweynaha.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ammaanay Ciidanka Asluubta dadaalka ay ku bixinayaan in ay kabaan baahiyaha dhanka wax-soosaarka ee ka jirta dalkeenna iyo sidii aan isku tashi uga gaari lahayn dhanka dhismaha iyo agabka xafiisyada.





