Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay inuu furay xafiis ay howshiisu noqon doonto talo ururin.
Xafiiskan ayaa la sheegay inuu ururin doono tallooyinka bulshada Soomaaliyeed ay u dirayaan madaxweynaha cusub, iyadoo la faafiyay email loogu dirayo tallooyinka ku socda madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Farmaajo.
Xafiiskan talo ururinta u qaabilsanaan doona madaxweyne Farmaajo ayaa tallooyinka loogu diri doonaa emailka: [email protected], waana email ku xiran website hore loogu sameeyay ololihii doorashada Farmaajo.
Baraha bulshada iyo website-yada ayaa waxaa hareeyay tallooyin iyo qormooyin looga hadlayo madaxweynaha cusub iyo tallaayin loo jeedinayo.
Waa markii ugu horeysay xafiis noocan oo kale ah ay furaan madaxda dalka, inkastoo aan la ogeyn sida loo maareyn doono tallaayinka faraha badan ee kusocda Madaxweynaha.
Wadani.com