Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ku sii jeeda dalka Uganda.
Socdaalka Farmaajo ayaa la sheegay inuu casuumaad ka helay madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Musaveni, isagoo safarkan uu noqonayo dalkii 12-aad ee uu booqdo.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mida madax dalka Uganda uga qeybgaleysa shir looga hadalayo barakacayaasha iyo Qaxootiga, waxaana shirkaasi lagu casuumay dhowr hoggaamiye Afrikaan ah iyo Xoghayhaa guud ee Q/Midoobay.
Madaxweynaha Uganda ayaa ka mida madaxda dhaliilsan Farmaajo, waxaana la ogaa inuu ka baaqsaday caleemo saarkii madaxweyne Farmaajo oo lagu casuumay.
Madaxweynaha Uganda ayaa ciidamada ugu badan ka joogaan Soomaaliya, waana dalka ugu saameynta badan ciidamada AMISOM. safarka Farmaajo ayaa imaanaya iyadoo Uganda ay noqotay dalka ugu danbeeya ee madaxweyne Farmaajo booqdo intii uu xukunka qabtay.
Wadani