Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa tegaya laba dal Afrikaan oo socdaalkiisii ugu danbeeyay toddobaadkan uu cagta soo marin doono.
Farmaajo ayaa magaalada Nairobi uga qeyb galaya caleemo-saarka madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo xaflad weyn oo lagu maamuusayo ka dhici doono Nairobi berri oo Talaado ah.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mida madax Afrikaan ah iyo kuwa gobolka oo ka qeyb galaya caleemo-saarka madaxweynaha Kenya ee dib loo doortay, waxaana markaas ka dib la sheegay inuu u duuli doono dalka Galbeedka Afrika ku yaalla Ivory Coast.
Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu dalka Ivory Coast uga qeyb geli doona shirka Midowga Yurub iyo Afrika oo labada maalmood ee 28-29 November 2017 ka dhici doona magaalada Abidjan.