Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Riyaad ee dalka Boqortooyada Sacuudiga.
Wafdiga Wasiirka arrimaha dibadda ayaa ka qeyb galaya shirka Wasiirada Jaamacadda Carabta ee loogu gogol xaarayo shir-madeexka 29-aad ee hoggaamiyeyaasha Jaamacadda Carabta ee ka furmaya magaalada Riyaad.
Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Soomaaliya uga qeyb galaya shir madaxeedka Jaamacadda Carabta, iyadoo lagu wado inuu saacadaha soo socda u dhoofo magaalada Riyaad.