Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan Amni isugu yeeray taliyeyaasha ciidamada iyo Wasaaradaha xukuumadda, maalmo ka mid markii uu taageeray kalsooni kala noqoshada Xukuumadii Xasan Cali Kherye.
Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galaya Taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida, Wasaaradaha Amniga, Arrimaha Gudaha, Agaasimah NISA iyo G/Banaadir, waxaana lasheegay in looga hadlayo sugidda Amniga iyo xaaladda kala guurka ah ee xukuumadda xafiiska banneyneysa.
Shirkan aya noqonaya kii ugu horeeyay ee in muddo ah u qabto Madaxweyne Farmaajo, iyadoo shirarkii hore ay dhici jireen marka xaalad amni oo culus dhacdo, sida qaraxyada waaweyn iyo howlgallo socda.