Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isu yeeray safiirrada dalalkooda ay ku jiraan ciidammada AMISOM iyo saraakiishooda, waxaana uu kala hadlay howlgalka AMISOM iyo dardargelinta howlgallada ka dhan ah Alshabab.
Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey AMISOM iyo madaxdooda sida ay ciidammada Soomaaliyeed u gacan siiyeen, laakiin waxa uu xusay in lagama maarmaan ay tahay in ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya loo diyaariyo si ay ula wareegaanka amniga guud ee dalka.
Madaxweyne Farmaajo AMISOM kala hadlay gurmadka abaaraha ee la doonayo in AMISOM ka qeyb qaadato, iyagoo ay iska kaashanayaan ciidammada dowladda Soomaaliya.
Kulanka waxaa goobjooge ka ahaa wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini, Taliyaha ciidamada, Agaasimaha Guud ee madaxtooyada, safiirka Soomaaliya ee Kenya iyo xubno kale.
DAAWO SAWIRRO
Wadani.com