Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa kulan kale xalay kula yeeshay Xarunta Madaxtooyada.
Kulank oo ka mida shirar xiriira oo ay yeelanayeen madaxweynaha iyo taliyaasha ciidamada Nabadsugida, Booliska, Meliteriga, iyo Asluubta ayaa la sheegay in looga hadlay xaaladda amniga Muqdisho, baaritaanka falkii Arbacdii hore ka dhacay Baarlamanka iyo isbedel la sheegay inuu ku socdo hoggannada ciidamada.
Is mari waaga ka dhashay mooshinka guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa xaalad amni iyo xiisad siyaasadeed ka dhaliyey magaalada Muqdisho oo la isugu keenay ciidamadii ugu tiro badnaa, taasoo aan ka hor tegin inay dhacaan qaraxyada ay soo abaabusho kooxda Alshabaab.