Madaxweynaha Soomaaliya Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada London kula kulamay wasiirka arrimaha dibadda dalka Qatar Sheekh Maxamed Bin C/raxmaan Al-thaani.
Wasiir dibadeedka Qatara ayaa ka qeybgalaya shirka caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya, waxaana kulankoodu ahaa mid barbar socday shirka, iyagoo uga wadahadlay xaaladda Soomaaliya iyo doorka dalka Qatar.
Wasiirka arrima dibadda Qatar ayaa soo gaarsiiyay madaxweyne Farmaajo sallaan iyo farriin uu uga siday Amiirka dalkaasi Sheekh Tamiim Bin Xamad Altaani, wuxuuna sheegay in dowladda Qatar ay ka go’an tahay taageerada Soomaaliya oo xaalado abaar iyo amni ay heystaan.
Wadani.com