Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta gelinkii dambe ku qaabiley xafiiskiisa ehelada Allaha u naxariistee Tahliil Jimcaale Hubane oo shalay u geeriyooday markii ay jiireen kolonyo uu la socday afaafka hore ee madaxtooyada.
Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, Madaxweynaha dalka ayaa tacsi u direy ehelada Tahliil, isagoona ilaahay ugu baryay in uu janadiisa ka waraabiyo. Waxana la soo weriyay inuu lacag tacsi ah u gudbiyay Qoyska.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka warfaafinta C/raxmaan Yariisow iyo agaasrimaha guud ee e wasaaaradda iyo agaasimaha telefishinka Qaranka.
Ehelada Allah u naxariistee Tahliil Jimcaale Hubane ayaa madaxweynaha jamuuriyadda federaalka Soomaaliya ugu mahadceliyay sida uu u qaabiley ulana qeybsaday tacsida.
Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allah u naxariistee Tahliil Jimcaale Hubane oo ka tirsanaa shaqaalaha wasaaradda warfaafinta.