Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Madaxweyne Farmaajo oo kulan wacyigelin ah ugu tegay Ciidamada Imaaraadku tababaray ee xerada Jen. Gordon

    Madaxweyne Farmaajo oo kulan wacyigelin ah ugu tegay Ciidamada Imaaraadku tababaray ee xerada Jen. Gordon

    April 25, 20182 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shalay gelinkii dambe kulan gaar ah la qaatay Ciidanka ku jira xerada Gen. Gordan ee ku taalla degmada Hodan, kuwaasi oo uu tababaray Imaaraadka Carabta.

    Ciidankan oo gaarayay 270 Askari oo 60 ka mid ah ay ahaayeen kuwa Kummaanooska lugta ah ee Imaaraadka uu tababaray ayaa gaadiidka waa weyn looga daabulay xerada, waxaana iyada oo la galbinayo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya loogu geeyay Madaxweyne Farmaajo.

    Kulanka dhinacyadan dhexmaray oo qaatay wax ka badan Saddex Saacadood ayaa waxa uu quseeyay xiisadii maalmahan ka taagneyd xerada Gen. Gordan, gaar ahaan is rasaaaseyntii dhacday maalin kahor ee u dhaxeysay Ciidanka Imaaraadka uu tababaray iyo kuwa xoogga dalka.

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa marka hore Ciidanka u sheegay inaanay jirin wax colaad oo dhexdooda ah, loona baahneyn in dib loogu laabto wixii dhacay, horeyna looga sii socdo.

    “Marka hore waad mahadsan tihiin dhammaantiina, waxaan idinkaga mahadcelinayaa inaad ajiibtaan wicitaankeyga, wixii dhacay wayba dhaceen, mana ahan wax ku cusub Ciidanka, waxaan idin sheegaa in aysan jirin cid wax loo heyso, khasaare waxaa innagu filan intii ku dhimatay iska hor imaadka, mana dooneyno in sidaas oo kale ay dhacdo, waxaad sameyseen wixii ciidan looga baahnaa oo ah inaad is difaacdaan.” ayuu yiri Madaxweynaha.

    Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Ciidankan u sheegay in ay gaarsiiyaan Ciidamada kale ee maqan, in shaqadooda ay dib ugu soo laabtaan, ayna muhiim tahay xerada jawigeedana in sideeda hore lagu soo celiyo.

    “Anniga ayaa maanta ugu sareeya Soomaaliya, waxaan kaloo ahay Taliyaha ugu sareeya Ciidamada waxaan idin balan qaadayaa inaad bil walba heli doontaan xuquuqdiina, Ciidamada maqan gaarsiiya fariinteyda dib ha ugu soo laabtaan xerada, arrintan saraakiishiina ayaan kala hadli doonaan oo aan kula xisaabtami doonaa.” Ayuu mar kale yiri Farmaajo.

    Xerada Gen. Gordan oo ammaankkeda guud ay la wareegeen Ciidanka DANAB ee ka tirsan Kummaandooska Soomaaliya ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay aanay jirin cid gudaha u galeysay ama ka baxeysay, balse hada dib ayaa looga qaaday xayiraada, waxaana soo laabanaya Ciidamadii ku kala firxaday iska hor imaadkii dhacay.

    Farmaajo Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSafiirka cusub ee dowladda Qatar u soo magacwday Somalia oo kulamo la yeelanaya Madaxda Soomaalida [Sawirro]
    Next Article Darawal Mooto Bajaajle ah oo toogasho lagu dilay Magaalada Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo