Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa la sheegay inuu safar kale dibadda ugu dhoofi doono toddobaadkan gudihiisa.
Safarkan oo noqon doona kii sideedaad ee Madaxweynaha Soomaaliya dibadda ku aado ayaa lasheegay inuu ku tegi doono dalka Masar, kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha dowladda Masar Cabdulfitaax Al-sisi.
Ra’iisal wasaaraha Masar Shariif Ismaaciil oo ka qeyb galay shirkii London ayaa gaasriiyay madaxweynaha Soomaaliya warqad casuumaad ah oo uu ka siday madaxweynaha Masar Cabdi Fataax Al-sisi.
Labadda Madaxweyne ayaa lagu waddaa in ay ka wada hadlaan xiriirka ka dhaxeeya labadal iyo sidoo kale taageerada dowladda Masar ay siiso dowladda Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ololihiisa doorashada si weyn u dhaleeceeyay safarrada dibadda ee madaxda dowladda oo uu ku sheegay inay macne darro yihiin, balse waxaa muuqata inuu hadda xaqiiqsaday inay lagama maarmaan yihiin.
Wadani.com