Safarkii Madweynaha Soomaaliya ee Gobollada Puntland iyo Galmudug ayaa la sheegay in toddobaadkan lasoo afjarayo.
Safarka oo ah kii ugu dheeraa ee madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ku tago gobollada dalka ayaa lugtiisa ugu danbeysa wuxuu ku tegayaa magaalooyinka Hobyo iyo Cadaado , waxaana qabanqaabo ka socotaa magaalo xeebeedka Hobyo.
Dib ugu laabashada magaalada Cadaado ayaa timid kadib cabasho ay muujiyeen odayaasha Beesha Cadaado oo diidan heshiiska Midowga Galmudug, waxaana ay mar kale ka caroodeen sidii uu ula dhaqmay madaxweynaha markii uu ka tegay iyadoo shir u socdo.
Xaaladda ka taagan magaalada Cadaado ayaa ah tan ugu adag ee uu wajahayo madaxweynaha, iyadoo ay halkaasi ku sugan yihiin xubnaha labada gole ee kasoo jeeda Cadaado.