Wararka laga helayo madaxtooyada ayaa sheegaya in xilkii laga qaaday agaasimihii hore ee Warfaafinta Madaxtooyada, lama magacaabay agaasime cusub
Agaasimihii hore ee la soo shaqeeyay madaxweyne Xasan Sheekh oo ahaa nin dhalinyaro ah Shadoor Xaaji Maxamuud ayaa xilka laga xayuubiyay, waxaana arrintan ay ka danbeysaa isbedel saaxiibadii Farmaajo ay kula wareegayaan madaxweynaha.
Agaasimaha cusub ee Warfaafinta Madaxweynaha ayaa loo magacaabay C/nuur Maxamed Axmed oo isna ah nin dhalinyaro ah, lana soo shaqeeyay madaxweyne Farmaajo, kaasoo caan ku ahaa ololihii baraha bulshada ee tageerada Farmaajo.
Agaasimaha guud ee Madaxtooyada ayaan weli la magacaabin iyadoo uu agaasime KMG ah ka yahay Cali Fiqi oo lagu wado in loo magacaabo wasiir ka tirsan xukuumadda cusub ee lagu wado in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo.
Soomaaliya ayaa ka duwan dalalka kale ee dunida, waxayna shaqaalaha xafiisyada ee heerka hoose ka mid yihiin kuwa la bedelo mar waliba oo madaxda xafiisyada is bedelaan.
Wadani.com