Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sanadkan ka qeyb galaya shirka Golaha Guud ee Q/Midoobay oo ah Madal ay madaxda caalamka isugu tagaan sanad kasta, kana jeediyaan khudadaha ay ku metelayaan dalalkooda.
Wasiirka Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa xaqiijiyey in Madaxweyne Farmaajo uu sanadkan tegi doono shirka Golaha Guud ee Q/Midoobay ee magaalada New York, isagoo halkaasi ka jeedin doono khudbadii Soomaaliya, kadib markii uu iska celiyey dhalashadii Mareykanka dhowaan, taasoo ka hor taagneyd in hab maamuus diblomaasi loo sameeyo inta uu ku sugan yahay dalka Mareykanka.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobey uga qeyb geli waayey labadii sano ee la soo dhaafay (2017 iyo 2018) isagoo shaa muwaadin Maryekan ah, laakiin wuxuuna dib u celiyey 1-da August ee sanadkan 2019.
Waxaa Soomaaliya u metelay shirka Golaha Guud ee Q/Midoobay sanadihii lasoo dhaafay oo Magaalada New York iska xaadiriyey Ra’iisul Wasaaraha Xasan Cali Kheyre & Wasiirka Arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad.