Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo socdaal ku maraya Gobolka Galgaduu ayaa magaalada Muqdisho u soo diray sarkaalkii u qaabilsanaa hab maamuuska ee la socday oo loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir.
Gudoomiye ku xigeenka cusub ee Dhinaca Amniga iyo Siyaasadda G/Banadir Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku soo dhoweyay guddoomiyeyaasha degmooyinka G/Banaadir iyo xubno ka mida Maamulka markii uu ka soo laabtay Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.
Waxaa cajiib ahayd in Guddoomiyaha cusub ee Banaadir Cabdirahman Cumar Cisman (Yariisow) uu ka qeybgalay soo dhoweynta, iyadoo ah wehliyeen xildhibaano iyo xubno kale.
SAWIRRO