Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo markii ugu horeysay ka qeyb galaya shirka Golaha Guud ee Q/Midoobay ayaa kulamo gaargaar ah la yeelanaya qaar ka mida madaxda caalamka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan gaara la yeeshay madaxweynaha Estonia Kersti Kaljulaid iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Ireland Leo Varadkar iyaga oo ka wada hadlay yagleelidda iskaashi ku dhisan dan-wadaag iyo wax wadaqabsi. Estonia ayaa sanadka cusub ku biireysa xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka taasoo ay Soomaaliya uga baahan tahay taageero diblomaasiyadeed; halka Jamhuuriyadda Ireland ay tahay xubin firfircoon oo ka tirsan Midowga Yurub oo si xoog leh uga qeyb qaata amniga iyo dib u dhiska Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale kulan la qaatay Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Afrika Mudane Akinwumi Adesina ayaa la wadaagay dadaallada ay Soomaaliya ugu jirto barnaamijka dayn-cafinta iyo kaalinta uu Bankiga Horumarinta Afrika ka qaadan karo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya.
Lama oga inuu kulan dhex mari doono Madaxweynayaasha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Kenya Uhuru Kenyatta oo ku wada sugan New York, iyadoo suuragalka kulan dhex mara aanu meesha ka saarin wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo caddeeyay inuusan jirin kulan qorsheysan, balse ay labada hoggaamiye isugu imaan karaan shirar doceedyo kala duwan.


