Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo cadaadis weyn ka heystay shirka Garowe ee maanta ka furmay, ayaa qorshe yaab leh u degay madaxweynayaasha sida weyn ugu kacsan maamulkiisa ee Puntland iyo Jubbaland.\
Qorshahan ayaa salka ku haya in Guddoomiyaha maamulka Gobolka Banadir uu ka qeyb galo shirka Garowe, taasoo markii hore uu diiday madaxweynaha martida loo yahay ee Siciid C/llaahi Deni oo ku dooday in shirka uu yahay mid ui kooban madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, taasoo meesha ka saareysa maamulka G/banaadir oo weli maqaamkiisa aan lagu heshiin.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeystay inuu shirkaas ka qeyb galo maamulka Gobolka Banaadir, taasoo taageero ka helay madaxda maamul Goboleedyada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, kadibna uu ku qasbanaaday madaxweynaha Puntland, iyadoo uu ka aamusay madaxweyaha Jubbaland, iyadoo ay diidmadaasi ku adkeystaan loo arki lahaa inay ka horjeedaan dadka degan caasimadda, waxaana sidaasi shirka hadda uga qeyb galaya Guddoomiye C/raxmaan Yariisow oo metalaya Gobolka Banaadir.
Xogta la helay ayaa sheegeysa in Madaxweyne Farmaajo uu maqaamka Muqdisho ka dhiganayo dood siyaasadeed oo uu difaaco, taasoo xilligan aysan ka hor imaan karin maamullada Puntland iyo Jubbaland, maadaama madaxweynaha hadda xilka haya aanu kasoo jeedin Gobolka Banaadir.
Culeyska ka qeybgalka guddoomiyaha G/banaadir ee shirka Garowe ayaa si weyn looga dareemay halkaasi, waxaana madaxweynaha Puntland uu qorsheynayaa in kulamada qaar aanu ka qeybgelin guddoomiyaha G/Banaadir, siiba kuwa looga hadlayo arrimaha quseeya maamul Goboleedyada, inkastoo aan la ogeyn in madaxweyne Farmaajo aqbali doono.
Metelaadda Gobolka Banadir ayaa mar waliba ahayd dowladii hore ee Xasan Sheekh mid muran ka taagan yahay, waxaana shirarka madaxda intooda badan ka maqnaan jiray G/Banaadir, marka laga reebo shirarka Amniga.


