Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saaka ka degay magaalada Adis abab ee dalka Itoobiya, safar aan hore loo shaacin oo degdeg ahaa markii uu uga soo dhoofay magaalada Maka Almukarama ee dalka Sacuudiga.
War kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay in Ra’iisal wasaraha Itoobiya uu saaka soo dhoweeyay madaxweynaha Somalia, ayna wada yeesheen wadahadal ku saabsan xiriirka labada dal oo ay ku jiraan xoojinta nabadda gobolka. Labada hoggaammiye oo ay wehliso marwada madaxweynaha Soomaaliya ayaa geed ku tallaalay xarunta ra’iisal wasaraha.
Safarkan ayaa imaanaya iyadoo Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed uu dhowaan shaaciyay inuu dhexdhexaadinayo Somalia iyo Kenya, lana kaashanayo dalalka Eritrea iyo South Sudan.
DAAWO SAWIRRO



