Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta safar kale ku tegaya dalka Ivory Cost.
Madaxweyne Farmaajo oo shalay ka qeyb galay caleemo saarkii madaxweyaha Kenya ayaa dalka Ivory Cost uga qeyb geli doona shieweynaha Midowga Yurub iyo Midowga Afrika oo ay ka qeyb galayaan madax badan oo Afrikaan ah.
Shirka labada midow ee Afrika iyo Yurub ee sanadkan ayaa diirada lagu saari doonaa arrimaha dhalinyarad iyo horumarintooda, waxaana madaxda ka qeyb galaya ka mida kuwa ugu caansan dalalka Midowga Yurub iyo Afrika.
Madaxweynaha Soomalaiya ayaa khudbad ka jeedin doona shirka taasoo ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo xaaladda adag ee Soomaaliya mareyso. Waa safarkii labaad ee Farmaajo ku tago dal afrikaan ah iyo markii ugu horeysay ee uu tagi Galbeedka Afrika.