Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka safar dibadeed ugu dhoofay dalka Masar.
Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa garoonka Muqdisho ku sagootiyay agaasinka madaxtooyada, waxaana wafadiga ka mid ahaa wasiiro iyo xildhibaano.
Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Masar wuxuu la kulmi doonaa madaxwenaha dalkaasi C/fataax Alsisi, waxayna ka wadahadli doonaa arrimaha Amniga, Xiriirka, Waxbarashada , Beeraha, Socdaalka , Duulista Hawada, Tamarta iyo Biyaha.
Dhinaca kale madaxweyne Farmaajo ayaa kulan la yeelan doona jaaliyadda Soomalida ee dalka Masar, sida ay shaacisay safaaradda Soomaalida ee magaalada Qaahir.
Waa safarkii 12-aad ee Madaxweyne Farmaajo uu ku aado dalka dibaddiisa, tan iyo markii la doortay 8-February-2017.