Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharcigii ugu muhiimsanaa intii uu xilka hayay, kaasoo maanta dhaqan galay.
Xaflad kooban oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayaa madaxweyne Farmaajo ku saxiixay Sharciga isgaarsiinta Soomaaliya oo ay meel mariyaan Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka.
Saxiixa sharciga waxaa gooobjoog ka ahaa Guddoomuyaha Aqalka, Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sare ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, wakiilka Q/Midoobay Micheal Keating, wasiiro iyo xubno kale.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in sharcigan oo yahay mid muhiim ah oo waqti dheer la sugayay, wuxuuna u mahadceliyay xukuumadda iyo wasiirka Isgaarsiinta sida dhaqsiyaha leh ee ay u hirgeliyeen balanqaadkoodii.
Sharcigan oo ah kii ugu horeeyay oo muddo 27 sano ah ay yeelato Soomaaliyaayaa socday muddo ka badan 10 sano iyadoo aan la ansixin, waxaana suuragashay in xukuumadda Xasan Cali Kheyre ay xoogga saarto sidii sharcigan oo soo saari lahaa.
Dowladda Soomaaliya ayaa awood dheeraad ah ku yeelan doonta maamulka Isgaarsiinta iyo dakhli ay ka hesho canshuuraha hay’adaha ka ganacsatada isgaarsiinta Soomaaliya.