Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Saakay xukun Dil toogasho ku fulisay labo ka mida Dil-sugeyaashii Al Shabaab ee hore loogu xukumay dilka.
.Labadan dhalinyarro oo kala ah: Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad) iyo Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) ayaa lagu helay Dilal iyo Qaraxyo ka geystay Magaalada Muqdisho, waxayna Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ku xukuntay Dil toogasho ah, iyadoo lagu fuliyey saaka aroortii markii koox ciidamo ah oo loo qorsheeyay ay rasaas ku fureen Fagaaraha Dugsiga sare ee Booliska magaalada Muqdisho.
Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa May 20, 2019-ka Xukun Dil ah ku riday Labadan ka tirsan Maleeshiyada Alshabaab oo racfaan ka soo qaatay xukunkii Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee ahaa dilka toogashada.
Dilalka toogashada ah ee uu saxiixo madaxweyne Farmaajo oo aad u yaraa ayaa lagu soo beegaa munaasabaddo xaalad amni ka dhashay, dilkii ugu horeeyay ee uu ogolaaday madaxweynaha ayaa lagu soo beegay sanadguuradii koowaad ee qaraxii Soope, iyadoo toogashada maanta ay imaaneyso iyadoo ay weli taagan tahay xaaladii ka dhalatay qaraxii ka dhacay xarunta G/banaadir, shalayna Muqdisho lagu aasay guddoomiyihii hore ee G/Banaadir C/raxmaan Yariisow.
DEMBIYADA LAGU HELAY LABADA EEDEYSANE EE SAAKA LA TOOGTAY

Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad) ina Faadumo Aadan Cismaan 23jir ah ku dhashay Sh/dhexe iyo Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) ina Xaawo Cawil Mursal 25 jir ah ku dhashay Bay , kuwaasi oo xafiiska xeer-ilaalinta ciidamada qalabka sida ku soo eedeeyay Dembiyada kala ah: ka mid noqosho Urur Hubaysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis), Dil bareer ah iyo Xasuuq dad shacab ah, eedaysanayaasha waxaa lagu eedeeyay inay fuliyeen falalka soo socda:-
15/08/2017, waxay weerar ku qaadeen gaari ay saarnaayeen hal Qoys waxaana ku geeriyooday Marxuum Maxamed Xasan Cabdi Cawad .
27/09/2017 isgoyska Via Roma ee Degmada X/wayne, waxay mar kale ku weerareen gaari ay saarnaayeen 2da Marxuum ee kala ah 1)Marxuumad Canab C/laahi Xaashi oo ahayd Xoghayihii Guud ee Ururka Haweenka Qaranka 2)Marxuum Axmed Jaamac Xirsi, weerarkaasoo sababay geerida labada marxuum.
09/11/2018, waxay qayb ka ahaayeen weerarkii lagu qaaday Hotel Sahafi, weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen 32 ruux.
Sidoo kale 22/12/2018 waxay ahaayeen abaabulayaashii labadi qarax ee ka dhacay Tiyaatarka Qaranka iyo Daljirka Dahsoon, oo ay ku geeriyoodeen 27ruux. Taariikhdu ahayd 20/03/2019 waxay maxkamada ciidamada qalabka sida ku Xukuntay Dil toogasho ah. Maanta oo ay Taariikhdu tahay 05/08/2019 ayaa waxaa lagu fuliyay Xukunkii dilka ahaa.