Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka, kadib xaflad ka dhacday xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.
Isagoo ka hadlayay xafladii uu xilka kula wareegay ayuu sheegay madaxweyne Farmaajo in dowladiisu ay tahay dowladii Shacabka, isla markaana u baahan yahay in lala shaqeeyo.
Wuxuu sheegay inuu ka codsanayo shacabka bixinta canshuurka iyo inay gacan ka geystaan arrimaha ammaanka, labadaas qodob oo ahayd kuwii ugu horeeyay ee Madaxweynaha cusub uu baaq codsi ahaan u soo jeediyay.
Madaxweyne Farmaajo oo ay maanta u bilaabatay inuu ka arrimiyo xarunta looga taliyo dalka ee Villa Somalia ayaa dadka Soomaaliyeed ugu duceeyay inuu abaarta ka dul qaado.
Wadani.com