Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu magaalada New York ee dalka Mareykankauga qayb-galay fadhigii 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Madaxweyne Farmaajo oo hore u joojiyey in wax soo dhoweyn iyo sagootin ah loo sameeyo xilliyada uu dalka ka dhoofayo ama ku soo laabanayo ayaa arrintaasi wax ka bedelay maanta iyadoo ay soo dhoweyntiisa ka qeyb galeen xubno uu ay ka mid yihiin R’iisal wasaare u xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxmud Maxamed (Filish).
Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Beyle iyo xubno ka tirsan Madaxtooyada, waxaana intii ay joogeen magaalada New York kulamo la yeesheen madaxda ka tirsan UN-ka iyo dalalka Caalamka.
Madaxweynaha oo sheegay inuu marayo magaalooyinka Mareykanka iyo Canada ayaa socdaalkiisa soo gaabiyey sababo aan la shaacin dartood, wuxuuna maanta kasoo degay garoonka Muqdisho.


