Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa dadka Soomaaliyeed ku booriyay inay bixiyaan canshuurta.
Isagoo ka hadlayay munaasabad lagu xusay maalinta dhalinyarada ee 15-ka May ayuu Farmaajo sheegay dowlad kasta ay ku taagan tahay canshuurta ay bixiyaan dadkeeda oo aanay shaqeyn karin canshuur la’aan.
Farmaajo ayaa sheegay inuu bedeli magaca CANSHUUR haddii ay ogolaadaan xildhibaanada Baarlamaanka kuna bedelid oono “Qaaraan Qaran” sida uu yiri, wuxuuna ku dooday in magaca Canshuur uu muujinayo wax aan fiicneyn.
“Saddexda bilood ee aan joogno waxaan qabannay, inaan bixinay mushaaraadka ciidammada iyo shaqaalaha Rayidka ee dowladda, waxaan bilowney inaan soo celinay Karaamadii ummaddeenna oo dalalka adduunka dhan ay noo muujiyeen in ay diyaar u yihiin u istaagidda wax wada qabsi buuxa..” ayuu yiri Farmaajo.
DHAGEYSO