Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo maanta socdaal dhulka ku gaaray magaalada Afgooye ayaa kulan la qaatay waxgaradka iyo qeybaha bulshada Afgooye.
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ku wehliya madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sh. Aaden, wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha NISA , wuxuuna warreystay waxgaradka Afgooye.
Waxgarad kala duwan ayaa madaxweyne Farmaajo weydiiyay su’aalo adag oo ku saabsan xaaladda ammaanka oo ay ugu horeyso Alshabaab oo Afgooye dhinaca ka jooga iyo waxa ay dowladiisu ka bedeli karto xaaladda Gobolka Sh/hoose iyo sababta madaxweyne kasta u yimaado Afgooye isagoo aan waxba ka qaban.
Maamulka Afgooye ayaa saxaafadda u diiday inay goobjoog ka ahaadaan kulanka, lkn waxgaradka ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay inuu ballan qaaday wax ka qabashada xaalada ammaanka Afgooye iyo Shabeelada Hoose.
Waxaa xiran dhammaan degmada Afgooye iyo jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye, waxaana dadka Afgooye ay maanta u ahayd bandow aanay jirin wax dhaqdhaqaaq ah.