Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillahi Farmaajo ayaa intuu ku sugnaa Magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudiga ku qaabilay Qasrigii uu degenaa Sheekh C/llaahi Sulfa oo Ka Mid ahaan Jirey Hoboladii Caanka ahaa ee Qaranka Soomaaliyeed.
Sheekh Sulfa oo hadda ah Sheekh iyo Daaci si Weyn looga yaqaan dalka Sacuudi Carabia wuxuu imaam ka yahay Masjidka Cabdilahi ibnu Cumar ee Magaalada Riyadh ee dalka Sacuudi Arabia.
Sheekh Cabdilahi Sulfa oo in dhoweyd uu la soo darisey Xanuun dhanka Kelliyaha ah ayaa u baahan in Maalin Dhaaf loogu dhaqo Kalyaha, wuxuu sidoo kale si deg-deg ah ugu baahanyahay in Kalyaha loo badalo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ilaahay uga baryey Sheekha Caafimaad degdeg ah wuxuuna u Sheegay Sheekha inuu Kafaalo Qaadayo wixii ku baxaya Kharashka Dhaqista Kalyaha inta laga Gaadhayo Operationka/Camaliyada bedelista Kalyaha isla Markaana uu Gacan ka Geysanayo Wixii ku baxaya Operation-ka Ka Badalista Kalyaha.
Kulanka Waxa Goobjoog ka ahaa Wasiirka Arimaha Dibada MD Yusuf Garaad Cumar iyo Danjiraha Somaliya ee Sacuudiga Daahir Maxamuud Geelle.