Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray muwaadiniinta Soomaaliyeed ee argagixisadu ay sida gaadmada ah ugu laayeen mid ka mid ah hoteellada ku yaala Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Qoraal ay soo saaretay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu tilmaamay murugada uu leeyahay falkan arxandarrada ah maadaama caddowgu ay doonayaan inay ku dhibaateeyaan kobaca amniga, dhaqaalaha iyo xasiiloonida Caasimadda oo dadaal badan la geliyey, sida uu yiri.
“Ujeedka ugu weyn ee argagixisadu ay u qaadayaan weeraradan gaadmada ah waa in ay niyad jabiyaan shacabka Soomaaliyeed ee ka soo kabanaya duruufaha adag. Waa xaqiiq in qorshahoodu uu yahay mid lagu dhibaateynayo qof kasta oo Soomaaliyeed iyadoo la adeegsanayo qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee la marin habaabiyey.”
Warka uu soo saaray Madaxweynaha ayaa ka danbeeyay markii barta Madaxweynaha ku leeyahay Facebook muuqaal lagu baahiyey oo ahaa khudbadii uu ka jeediyey Golaha shacabka, markii dad badan ay naqdiyeen kuna tilmaameen madaxweynaha mid aan damqasho iyo mas’uuliyad lahayn.