Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa magacaabay taliyaha ciidamada nabadsugidda iyo sirdoonka ee Gobolka Banaadir.
Ilo ku sugan madaxtooyada ayaa sheegay in G/Sare Saadaq Cumar Xasan loo magacaabay Taliyaha Nabad sugidda iyo Sirdoonka Gobolka Banaadir, kadib markii uu keensaday taliyaha NISA C/llaahi Maxamed Sanaloolshe.
Taliyaha cusub ee NISA u qaabilsan Gobolka Banaadir ayaa hore u ahaa Taliya NISA ee mamulka Galmudug, wuxuuna saaxiib la yahay Taliyaha NISA ee Cabdullaahi Sanbaloolshe oo ay hore u soo wada shaqeeyeen.

Waxaa weli socda magacaabidda saraakiisha iyo madaxda dowladda Federaalka oo soo bilowday tan iyo intii uu xilka la wareegay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Wadani.com