Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga dalka Turkiga ayaa kulan la yeeshay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo degan dalkaasi.
Kulanka oo ahaa mid is wareysi ah ayay labada nin uga wadahadleen xaaladda dalka iyo dhibatooyinka jira, iyagoo isla soo qaaday sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen, waxaana uu kulanka ahaa kii ugu horeeyay ee labada dhinac dhex mara kadib markii ay xilka isku wareejiyeen 16 bilood kadib.
“Waxaan la kulmay Madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheelh, Waxaanu iska wareysannay horumarka, fursaddaha iyo caqabaddaha horyaalla dalkeenna, annaga oo isla qaadannay ahmiyadda iskaashiga iyo wada shaqeynta madaxda dalka si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo u horseeda dadkeenna…” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo qoraal soo dhigay baraha bulshada.