Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Madaxweyne Farmaajo oo u bareeray halista Galgala [Socdaalkii Madaxweynaha ku gaaray Boosaaso -Warbixin]

    Madaxweyne Farmaajo oo u bareeray halista Galgala [Socdaalkii Madaxweynaha ku gaaray Boosaaso -Warbixin]

    January 11, 20184 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galay safarkiisii ugu dheeraa ee dhul Soomaaliya kamid ah uu ku maro inta uu madaxweynaha ahaa.

    Wuxuu gaari ku socday qiyaastii 440km oo ah dhulka u dhaxeeya Garowe iyo Boosaaso. Ammaanka madaxweynaha waxaa sugaya ciidamada dowlad goboleedka Puntland iyo ilaalo gaar ah oo Muqdisho kala safaray.

    Qiyaastii 200 ilaa 300 oo dagaalyahan oo uu hoggaamiyo Sheekh Cabdulqaadir Muumin oo horay uga tirsanaa Al-shabaab balse ka goostay oo ku biiray ururka la baxay dowladda Islaamka oo si aad ahan u hubeysan ayay fariisin u tahay buuraha Galgala oo qiyaastii 60 Kiiloomitir Boosaaso u jira.

    Madaxweynuhu waxa uu safarkiisa ugu magacdaray Socdaalka nabadda, basle mar walba oo uu woqooyi u sii dhowaada waxaa kor u kacaya cabsida laga qabo weerarro qorsheysan oo kaga yimaada kooxda la sheegay in ay taabacsan tahay ururka la baxay dowladda Islaamka oo ku dhuumanaya Galgala oo marin u ahayd kolonyadii madaxweynaha.

    Dhulka uu farmaajo maray waa qarfaha iyo buuraha ah ee caanka ku ah beeyada iyo xijiga ee Bari, dhul geedka uu aad ugu yaryahay balse lagu sheegay kaydka kheyraadka dabiiciga ah oo aanan wali lasoo faganin.

    Qeybaha kale ee Soomaaliya, xaalado ammaan dartood ayaanan madaxweynaha u suurtogalinin in uu socdaal xagga dhulka ku tago magaalooyinka dalka marka laga reebo Afgooye oo caasimadda u jirta 30km oo kaliya.

    Buuraha Galgala waxaa marar badan ka dhacay dagaallo dhexmaray ciidama maamul goboleedka Puntland iyo kooxo hubeysan, balse kolonyada madaxweynaha kalama aysan kulmin wax caqabad ah.

    Safarka dhulka Madaxweyne Farmaajo 440km

    Ammaanka buuraha Golis oo ka sokeeya Boosaaso ayaa si wayn loo adkeeyay, ciidamo ayaa Ku suganaa heraaraha waddada, sida ay sheegeeyn saxafiyiinta la safraya madaxweyne Farmaajo.

    Kooxaha safarka madaxweynaha khattarta ku ahaa kuma koobnayn ururka la baxay dowladda Islaamka oo kaliya ee waxaa iyana meel Puntland ka mid ah jooga kooxo lala xiriirinayo ururka Al-Shabaab.

    Amaanka ayaa aad loo adkeeyay inta udhaxeeysa Bosaaso iyo Tuulada kala bayr oo ah dhul buuraley ah. kooxda alshabaab ayaa meelo ka mida fariisimo Ku leh sida la sheegay. “ciidamo badan ayaa waddada jooga waxayna ku hubeeysnyihin gadiidka dagaalka”, ayuu yiri saxafi ka mid ah safarka wafdiga madaxweyne Farmaajo.

    Boqor Burhaan ayaa ka mid ah dhaqanka la kulmay madaxweyne Farmaajo 

    Bishii Maarso ee sannadkii la soo dhaafay ayaa koox dagaalyahanno ah oo ka badnaa 100 ay doon ku gaareen deegaanka Garacad ee gobolka Mudug. Kooxdaasi waxay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab.

    Waxay halkaasi kula dagaallameen ciidammada Punland, dagaalkii ugu adkaana wuxuu ka dhacay togga Suuj. In ka badan 70 kamid ah dagaalyahannadaas ayaa la dilay tira kalana gacanta ayaa lagu dhigay. Dhacdadaas ayaa muujisay khatarta Alshabaab ee deegaankaas.

    Intaasna kuma aysan istaagin, Buuraleyda Golis iyo Galgala waxaa dhowr goor ka dhacay dagaal dhexmaray ciidammada Puntland iyo kooxo hubeysan.

    Balse safarka Madaxweyne Farmaajo lama uusan kulmin wax caqabad ah, taas oo calaamad u noqon karta in amniga goobaha qaar uu soo hagaagayo, ama waxaa suuragal ah in “kooxaha hubeysan aysan dooneyn in dagaal culus ay kala kulmaan ilaalada madaxweynaha.

    Korneel Shariif Xuseen Rooboow oo ka faallooda arrimaha ammaanka oo BBC la hadlay ayaa mujiiyay jiritaanka khatarta kooxda daacish ee ah in ay weerrari karto kolonyada madaxweynaha.

    “Inkasta oo Puntland ay digtoon tahay, ammaankana ay aad u adkeysay, haddana marka laga hadlayo aagga Galgala wax walba ayaa laga fili karaa sidaas darteed waxaa ila qunneyd in uu madaxweynuhu diyaarad u qaato Boosaaso” ayuu yiri Rooboow.

    Deegaano kala duwan ayuu ku hakaday madaxweynaha 

    Puntland waxa ay guluf dagaal ku qaadday buuraleeyda Galgala, waloow ay u muuqato in halista kooxaha IS ay hoos u dhacday haddana wali waxaa jira deegaanna aysan ciidammada dowladda gaarin oo iska hor imaadyo joogta ah ay ka dhacaan, waxaa intaa dheer weeraro gaadmo ah oo lala beegsado ciidammo kala duwan.

    Nooca weerarada kooxahan lama saadaalin karo waxa ayna heysteen waqti dheer oo ay wax ku abaauli karaan maadaamada safarka madaxweynaha uu ahaa mid horay loo sii wada ogaa.

    Wararka ayaa sheegaya in wafdiga madaxweynaha uu Boosaaso uga soo laaban doona diyaarad, waxaana la filayaa in uu Farmaajo booqdo dhowr magaallo oo ku yaalla gobollada Mudug iyo Galguduud.

    Madaxweynaha lama filayo in uu tago deegaanno ay ku badan tahay halista Al-Shabaab ama kooxaha kale ee hubeysan.

    Dowladda Soomaaliya ayaa u fursad u aragto in ay gaarto dadka ku nool deegaannada fogfog, basle mas’uuliyiinta dowladda ayey ku adag tahay in ay dhulka ku safraan marka laga hadlayo Koofurta Soomaaliya oo ay ku xooggan yihiin dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

    Boosaaso Farmaajo Galgala Puntland
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasaaradda Amniga oo shaacisay Cafis shuruud ku xiran oo loo fidinayo Siyaasiyiinta Mucaaradka
    Next Article Qaar ka mida Shaqaale Rayidka Dowladda Soomaaliya oo Mushaarka laga joojinayo

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo