Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u dhoofay magaalada Addis Ababba ee dalka Itoobiya, kadib casuumaad uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Madaxtooyada Soomaaliya aya sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu wahadal la yeelan doono Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, ayna isla soo qaadi doonaan iskaashiga dhinacyada amniga, waxaan wafdigiisa ka mida Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr iyo La-taliyayaashiisa.
Dhinaca kale Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya ayaa ka hadashay Socdaalka Farmaajo maanta ku tegayo dalka Itoobiya, waxayna qoraal ay ku baahisay baraheeda bulshada ku sheegtay in Farmaajo la kulmi doono Abiy ahmed oo ay ka wadahadli doonaan xiriirka labada dal iyo arrimaha Gobolka.
Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya waxay sheegtay in arrintan ay qeyb ka tahay dadaalka Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ee xoojinta nabadda Gobolka iyo isku xirka dhaqaalaha Geeska Afrika iyo Qaaradda.