Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhoweyd ka duulay Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, isagoo ku sii jeeda dalka Qatar.
Madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah oo dib u dhacday ku tegaya dalka Qatar, taasoo qaadan doonta muddo 2 maalmood ah, waxaana la sheegay inuu kulamo la yeelan doono madaxda dalka Qatar oo uu ka mid yahay Amiirka dalkaasi Tamiim Bin Hamad Althani.
Wararka ayaa sheegaya in labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar ay kala saxiixan doonaan heshiisyo taageero mashaariic laga fulinayo Soomaaliya iyo kuwo Ganacsi, waana markii labaad ee uu madaxweyne Farmaajo booqdo dalka Qatar inta uu xilka hayo.
Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn ugu dhowaatay dalka Qatar, waxaan khilaafka dalalka Khaliijka oo markii hore ay mowqif dhexdhexaad ah ka qaadatay ay taasi u xuub siibatay inay u janjeersato dhinaca dalka Qatar.