Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa u guuray, kuna shaqo bilaabay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya.
Madaxweynaha oo shalay xarunta kula hadlay saraakiisha sare ee ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay inuu wixii hadda ka dambeeya waqtigiisa siin doono ciidamada, isla amrkaana ku shaqeyn doono Wasaaradda Gaashaandhigga si loo xoojiyo dagaalka lagu qaadayo kooxda Alshabaab.
Waa markii ugu horeysay ee madaxweyne uu xafiiskiisa u wareejiyo meel ka baxsan Villa Somalia tan iyo sanadkii 2001 markii C/qaasim Salaad uu xafiis ka dhigtay degaan shacabku degaan, degmada Hodon magaalada Muqdisho, taasoo ka dhalatay markii ay Madaxtooyada u diideen maleeshiyadii Xuseen Ceydiid.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dalka uu ka bilaaban doono Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab waxaana si wada jir ah u fulin doona Ciidamada Xoogga oo garab ka helaya Ciidamada AMISOM iyo Xoogaga Maraykanka.