Madaxweynaha dowladda Federalka Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa galabta xili danbe gaaray Magaalada Garowe ee xarunta Puntland, kadib dib u dhac laba maalin ku yimid sidii hore loo qorsheeyay.
Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garowe kusoo dhoweeyay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo maalin ka hor tegay magaalada Garowe, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo mas’uuliyiin kala duwan oo garoonka uga hortegay.
Lama oga sababta keentay Madaxeyne Farmaajo dib uga dhacay waqtigii lo qorsheeyay, laakiin ugu danbeyn waxaa magaalada Garowe hadda ku wada sugan madaxda dowladda Somalia iyo maamul Goboleedyada dalka oo shir uga furmi doono Berri sida la qorsheynayo.




