Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay klulan casho sharaf iyo soo dhoweyn ah Madaxtooyada magaalada Muqdisho ugu sameeyay madaxda Saddexda Maamul Goboleed ee taageersan iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Waxaa kulanka kasoo muuqday Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed iyo Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle iyo Guddoomiyaha G/banaadir Cumar Maxamuud Maxmed, iyadoo uu goobjoog ka ahaa Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Khayre,
Labada madaxweyne ee K/Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa looga yeeray Muqdisho, waxaana kulanka looga hadlay sida Madaxtooyada sheegtay xaaladda guud ee dalka, amniga iyo in wadajir loogu sii amba-qaado dadaallada dib u dhiska dalka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xoreynta deegaannada ay argagixisadu Alshabaab ku dhibaateeyaan shacabkeenna.
Kulankan ayaa imaanaya saacado ka hor socdaalka uu Madaxweyne Farmaajo ku tegayo magaalada New York ee xarunta Q/Midoobay oo markii ugu horeysay uu ka qeyb geli doono shirka Golaha Guud.




